Maamulka iyo hawlwadeenada Machadka Sirdoonka macmalka ah ayaa fuliyay shir beerista barnaamijka Raadka Cagaaran

Addis Ababa; Afagaal/Hamle 25/2016 (ENA): Maamulka iyo hawlwadeenada Mac-hadka Sirdoonka macmalka ayaa dhir beeris ka sameeyay Beerta Warshadaha ee Qilinto.


 

Barnaamijka Raad- caggaaran ee heer qaran ee sanadkan ayaa sii socdaa iyadoo hal-ku-dhegg looga dhugay "Dal iyo jiil wax beera".


 

Hay’ado kala duwan ayaa Fulinaya barnaamijka Raadka Caggaaran, Maanta ayaa hogaaminta iyo hawl wadeenada Machadka Sirdoonka macmalka ah waxa ay si balaadhan dhir beeris uga sameeyeen Beerta Warshadaha ee Qilinto.


 

Waxayna sii xoojinayaan inay raadkooda cagaaran ka tagaan iyagoo qorsheynaya inay beeraan 5 kun oo geed, oo ah geed midhood la cuni karo oo faa'iidooyin badan u leh bulshada.

Ugu dambayntii Sannadka 2016T.I, barnaamijka raadka cagaaran ee heer qaranka ayaa la qorsheeyay in lagu beero 7.5 bilyan oo geedo ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015