Kulanka arrimaha dib u habaynta dhaqaalaha iyo doorka ganacsiga ee deegaank Soomaalida ayaa Jigjiga lagu qabtay

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 25/2016T.I.(ENA): Kulan ku saabsan arrimaha dib uhabaynta dhaqaalaha dalka iyo doorka ganacsiga Deegaanka Soomaalida oo uu soo diyaariyay Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS ayaa lagu qabtay magaalada Jigjiga. 


 

Kulan oo ay kasoo qaybgaleen gudiga rugta ganacsatada deegaanka, aqoonyahano, lataliyayaasha madaxwaynaha, ganacsatadata iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayay ujeedadiisu ahayd sidii looga wadatashan lahaa loona falanqayn lahaaa isbadalka guud ee ku saabsan dib u habaynta dhaqaalaha ee dalka.


 

Ujeedka kulankan ayaana ah sidii bulshadu ay fahan guud uga qaadan lahaayeen islamarkaasina ula jaanqaadi lahaayeen isbadalada socda. 


 

Kulanku intuu socday ayaa lagu soo jeediyay madasha qodobo ku saabsan isbadalada dhinaca dhaqaalaha ee dalka ka socda, soo jeedinta kadibna martidii guriga ayaa ka dooday faa'iidada iyo khasaaraha uu leeyahay dib u habaynta dhaqaalaha ee dalka, iyagoo islamarkaasina soo jeediyay talooyin ku aadan isbadalada sidii loo wajihi lahaa iyo saamaynta ay ku yeelan karto ka deegaan ahaan iyo doorka kaga aadan ganacsatada deegaanka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015