Adeega nidaamka dakhli bixinta casriga ah ee E-tax ayaa lagu soo koridhiyay xafiiska dakhliga degmada Shiniile ee gobolka Siti.

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 26/2016T.I.(ENA): Masuuliyiin ay ka mid yihiin Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Dakhliga DDS Mudane C/waaxid Cabdi, Gudoomiyaha gobolka Siti Ibraahim Xuseen iyo masuuliyiin kale oo iskugu jira heer gobol iyo kuwa degmada Shiniile ayaa xadhiga ka jaray adeegan cusub ee E-Tax-ga ee xafiiska Dakhliga degmada Shiniile lagu soo kordhiyay.


 

Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Dakhliga DDS Mudane Cabdiwaaxid Cabdi ayaa sheegay in adeegan cusub uu kor u qaadi doono ilaha dakhli ee degmada islamarkaana suurtagalin doono in ay canshuur-bixiyayaashu helaan adeeg hufan.


 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015