Waxaa Xarunta Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga si rasmi ah uga furmay tartanka ciyaaraha Wushuga ee deegaannada iyo Maamul-magaalooyinka Dalka

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 26/2016T.I.(ENA): Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DDS Mudane Maxamed Cabdiraxmaan oo furitaankii tartankaas ka hadlay ayaa sheegay in deegaanku uu martigaliyo ciyaaraha kala duwan ay suurto gashay kadib isbedelkii siyaasadeed ee deegaanka ka hirgalay.


 

Tartankan ciyaaraha ee loo yaqaano Wushuga oo markii 4aad deegaanada dalku ku tartamayaan ayaa waxaa tartankan soo xaadiray Maamul Magaalooyinka Addis Ababa, Diri Dhaba, Deegaanka Soomaalida iyo Deegaanka Harerida. 


 

Ugu dambayntii tartanka Ciyaarahan Wushuga ayaa madasha kulamada ee Sayid Maxamed Cabdile Xasan ka socon doonaa mudo todobaad ah.

 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015