Shirkadaha Shiinaha ayaa loogu baaqay inay xoojiyaan ka qaybqaadashadooda qaybaha maalgashiga ee mudnaanta leh ee Itoobiya

Addis Ababa; Afagaal/Hamle 26/2016 (ENA): Shirkadaha Shiinaha ayaa loogu baaqay inay xoojiyaan doorkooda ka qaybgalka maalgashiga mudnaanta leh ee Itoobiya.


 

Shirka Madasha Ganacsiga ee Itoobiya-Shiinaha ayaa ka socda Addis Ababa.


 

Khudbad uu ka jeediyay furitaankii madasha, Wasiiru dawlaha Arrimaha Dibadda ee JDFI Danjire Misgaanu Argaa, waxa uu ugu baaqay maalgashadayaasha iyo shirkadaha Shiinaha inay xoojiyaan ka qayb-galkooda habaynta beeraha, macdanta, tignoolajiyada, dalxiiska, dharka iyo maryaha oo ay dawladdu mudnaanta siisay.


 

Wasiiru dawlaha ayaa sheegay in Itoobiya ay caan ku noqotay maalgashiyada shisheeye shantii sano ee u dambeeyay.

Danjire Misgaanu ayaa tilmaamay in isbedellada ay dowladdu ku sameysay dib u habeynta dhaqaalaha guud ay xoojineyso qulqulka maalgashiga shisheeye ee dalka.

Maareeyaha Shirkadda horumarinta seerayaasha warshadaha Itoobiya Dr. Fisaha Yatagasu ayaa sharaxaad ka bixisay hawlaha adeeg ee ay dawladu u fulinayso shirkadaha ka qayb qaadanaya maalgashiga.


 

Waxa uu sidoo kale sheegay in meesha laga saaray caqabadihii hore si loo ballaariyo qulqulka maalgashiga shisheeye.

Guddoomiyaha guddiga saaxiibtinimada iyo iskaashiga ee Itiyo-Shiibaha Beti Su, ayaa sheegtay in maalgashadayaasha Shiinuhu ay kor u qaadayaan ka qaybgalka maalgashiga kala duwan ee Itoobiya.


 

Ugu dambayntii xogta laga helayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa tilmaamaysa in Itoobiya iyo Shiinaha ay kala saxiixdeen iskaashi aanay bedbedalin xaaladuhu.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015