Baadhitaan caafimaad oo bilaash ah oo loogu talagalay inay ka faa'iidaystaan 75 kun oo qof ayaa la bilaabay

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 26/2016T.I.(ENA): Waxaa deegaanka Hararida ka bilowday adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah oo baadhis iyo daawaynba ah, taasoo la doonayo inay ka faa'iidaystaan 75 kun oo qof.

 

Yaasiin Cabdullaahi oo ah madaxa xafiiska caafimaadka ee deegaanka ayaa sheegay in adeeggan ay ka faa’ideysanayaan dadka aan iska bixin karin kharashka daweynta.

Waxa kale oo uu sheegay in laga bilaabo maanta ay bixinayaan xarumaha caafimaadka ee dawladda, isbitaallo gaar loo leeyahay iyo goobo caafimaad oo la soo xulay, taasoo soconaysa 10 maalmood oo xidhiidh ah.

 

Ugu dambayntii Waxa uu xusay in xanuunka macaanka, dhiig karka, xanuunada indhaha iyo xanuunada kale ee faafa iyo kuwa aan faafinba lagu daweyn doono laguna baari doono lacag la’aan.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015