Qiimaynta booliska Soomaalida ayaa ka furmay Jigjiga

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 26/2016T.I.(ENA): Komishineerka Komishinka Booliska DDS Sareeye Guud Cabdi Cali oo ka hadlay qiimaynta waxqabadka lixda bilood ee booliska deegaanka ayaa sheegay in qaybaha kala duwan ee booliska looga baahan yahay in lasii xoojiyo shaqooyinkii wanaagsanaa ee lasoo qabtay lana dhiso dhinacyada liita.


 

Qiimayntan waxqabadka lixda bilood ee komishinka gobolka Faafan, Komishinka Maamulka Magaalada Jigjiga iyo geeddi-socodyada komishinka heer deegaan ayaa maanta si rasmi ah uga furantay madasha kulamada ee Qaryaan Dhoodaan.


 

Qiimayntan oo socon doonta mudo sadex bari ah ayaa waxaa si rasmi ah ufuray Komishineerka Komishinka Boooliiska DDS Sareeye Guud Cabdi Cali, wuxuuna cadeeyay waxyaabaha qiimayntan lagu dul istaagayo.


 

Mudada ay qiimayntani socoto ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa adeegyada bulshada ay siiyaan boolisku sida ay tahay, waxaa kale oo la isku qiimayn doonaa adkaynta amniga iyo waxkasta oo amniga lidi ku ah sida ay uga shaqeeyeen.


 

Ugu dambayntiina qiimayntani waxay noqon doontaa mid shaqsi shaqsi ah iyo mid koox koox ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015