Masuuliyiinta Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS iyo kuwa Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa kulan la yeeshay maamulka xaafadaha magaalada Jigjiga

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 26/2016T.I.(ENA): Kulankan ayay ujeedadiisu ahayd sidii fahan buuxa looga siin lahaa maamulka xaafadaha isbadalka guud ee ku yimi dhaqaalaha Dalka iyo sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen dhanka wacyigalinta bulshada.


 

Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS Mudane Cabdulaahi Aadan iyo Madaxa Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka Maamulka Magaalada Jigjiga Mudane Cumar Nuur oo shirgudoominayay kulankan ayaa sheegay in maamulka xaafadaha looga baahan yahay in dabagal joogto ah ay ku sameeyaan ganacsatada, si looga hortaggo ganacsatada kor uqaadaysa qiimaha ganacsiga, sidoo kalena ay maamulku wacyigalin joogto ah siiyaan ganacsatada kala duwan.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015