Horumarinta wadada Bole waxa loo hirgaliyay hab muujinaya tayada kobaca dhaqaalaha Addis Ababa iyo horumarka magaalo

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 26/2016T.I.(ENA): Waxa la sheegay in mashruuca horumarinta Waddada Bole loo hirgaliyay si ka turjumaysa tayada kobaca dhaqaale ee Addis Ababa iyo horumarka magaalada.


 

Waddada Bole ayaa ah xarunta ugu firfircoon ee ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa casriga ah ee caasimadeena Addis Ababa.

Sidoo kale waa waddo iskuxidha magaalada kale iyo garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee Boole.

Xarumaha ganacsi ee kala duwan sida, hoteelada, maqaayadaha cunto, hoteelada jiifka iyo dukaamada ku teedsan wadada ayaa soo jiita dadka soo booqda dalka ee dalxiisayaasha dibadda iyo kuwa gudahaba.

Dhawrkii bilood ee la soo dhaafay wadada Boole ayaa si heersare ah looga shaqaynayay sidii loo horumarin lahaa, si loo muujiyo kobaca dhaqaale iyo tayada horumarka kasocda magaalada Addis Ababa .


Shaqooyinka iyo kaabayaasha dhaqaale ee laga hirgaliyay horumarinta wadada Boole ilaa iyo fagaaraha masqalka waxaa ka mid ah, uguna waaweyn ayaa ah: -

* Horumarinta wadada oo dhan 4.3km;

* Hirgalinta 10km oo ah wadada lugta ee dadka;

* Hirgalinta 13.2km oo ah wadada baaskiilka

​​​​​​​
​​​​​​​

* Hirgalinta 30kun 160 kaare mitir oo shub iyo laami ah;

* Hirgalinta 30 goobood oo ay istaagaan basaska iyo takaasida;

* Hirgalinta 10 goobood oo ah goobaha baabuurta la dhigto.

* Hirgalinta goobaha dalxiis iyo nasasho ee yaryar oo dhan 10 goobood;

​​​​​​​
​​​​​​​

* Dib u dhiska iyo dayactirka dabaqyada iyo dhismayaasha wadada ku yaala oo dhan 500 oo dhismo .

​​​​​​​
​​​​​​​

Xogta:- Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Wakaalada Warka Itoobiya
2015