Masuulliyiin ka timid deegaanka Koonfurta Itoobiya ayaa gaadhay Jigjiga

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 27/2016T.I.(ENA): Wafti ay hoggaaminayso Af-hayeenka Baarlamaanka Deegaanka Koonfur Itoobiya Marwo Tsehay Worassa ayaa soo gaadhay magaalada Jigjiga iyadoo halkaas ay ku qaabileen Afhayeen Kuxigeenka Baarlamaanka DDS.


 

Masuuliyiinta iyo xubnaha ay hoggaaminayaan ayaa Deegaanka u yimid inay ka qaataan khibrad la xidhiidha hab maamuuska & qabanqaabada munaasibadda maalinta qoomiyadaha dalka ee sannadkii hore lagu qabtay Deegaanka Soomaalida sannadkanina uu martigalinayo Deegaankaasi Koonfur Itoobiya.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015