Hoggaaminta iyo hawlwadeenada shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa dhir beeris sameeyay

Addis Ababa; Afagaal/Hamle 27/2016 (ENA): Hoggaaminta iyo hawlwadeenada shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa fuliyay dhir beerista Barnaamijka Raadka Cagaaran.


 

Hoggaaminta iyo hawlwadeenada ayaa waxay maanta dhir beeris Ka sameeyeen halka loo yaqaan qaybta dambe ee garoonka diyaaradaha ee Bole ee magaalada Addis Ababa. 


 

Maareeyaha shirkadda Ethiopian Airlines Group, mudane. Mesfen tasaw, ayaa sheegay in shirkaddu ay ka shaqaynayso ilaalinta deegaanka oo ah mas’uuliyad bulsho. Waxa uu Sheegay in dhirtu ay Ka qayb qaadanayso haggaajinta cimilada.


 

Waxa uu tilmaamay in diyaarado cusub iyo kuwa casri ah loo adeegsanayo duulimaadyada, taasina ay qayb ka tahay dadaallada ay shirkadaha diyaaraduhu ku yareynayaan wasakhowga deegaanka ee heer caalami, iyadoo la isticmaalayo shidaal duuliseed oo waara oo si weyn u yareeya qiiqa kaarboonka iyada Oo kaalin mug leh ka qaadanaysaa ilaalinta deegaanka. 


 

Waxa uu sheegay in uu jiro qorshe lagu beerayo 50 kun oo geed oo ka kooban 16 nooc oo wadani ah oo lagu beerayo dhul dhan 40 hektar ilaa haddana in la beeray ilaa 27 kun oo geed.


 

Wararka laga helayo garoonka diyaaradaha ayaa sheegaya in shaqaalaha shirkadu ay sheegeen inay ka soo bixi doonaan mas’uuliyadda ka saaran daryeelka dhirta la beeray, mustaqbalkana ay sii xoojin doonaan ka qaybgalka barnaamijka Raadka cagaaran.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015