Wakaalada Wararka Itoobiya ee ENA, tabinta macluumaadka saxda ah kasookaw waxay kaalinteeda Ka qaadanaysa barnaamijka Raadka Cagaaran

Addis Ababa; Afagaal/Hamle 27/2016 (ENA): Wakaalada Wararka Itoobiya (ENA) ayaa kaalinteeda ka qaadanaysa barnaamijka Raadka Cagaaran iyada Oo bulshada usoo gudbisa xogta dhabta ah.


 

Waxaa la ogsoon yahay in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) uu sanadkan si rasmi ah uga bilaabay magaalada Hayek ee barnaamijka Raadka cagaaran ee sanadkan.


 

Hoggaaminta iyo hawlwadeenada ENA ayaa sidoo kale fuliyay barnaamijka Raadka cagaaran iyagoo ku beeray geedo seerada dalxiis Entoto.

Ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Wakaalada Wararka Itoobiya Nagaasi Ambaaye, ayaa sheegay in wakaaladu ay dhir beeristan samaynayeen sanado badan.  


 

Waxa kale oo uu sheegay in geedaha ay wakaaladu beertay ay yihiin kuwo wadani ah, isla markaana ay si buuxda u soo celinayaan tayada carrada muddo kooban.

Waxa uu sheegay dhir beerista ka sookaw laga shaqeeyo sidii loo daryeeli lahaa dhirta.

Hoggaaminta iyo hawlwadeenada ka soo qaybgashay dhir beeristan ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin daryeelka dhirta la beeray.

Ugu dambayntii waxaa la og yahay in sanadkan barnaamijka raadka cagaaran, la qorsheeyay in beero 7.5 bilyan oo geed.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015