Golaha Wakiilada Shacabka ayaa taageero u fidiyay dadkii ku waxyeeloobay dhul go’a gobalka Gaofaa

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 27/2016T.I.(ENA): Golaha Wakiilada Shacabka ayaa ku taageeray 5 Milyan oo Birr oo loogu talagalay in loogu adeego dadka ay saameysay dhul go’a ka dhacay degmada Gase Goofaa ee gobalka Goofaa.

Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Dibadda iyo Nabadda ee Golaha Eakiilada Shacabka Fatxi Mahdi (Dr.) ayaa sheegay in Goluhu ay muujinayeen sida ay uga xun yihiin musiibadaas.


 

Waxayna ku taageereen lacag dhan 5 milyan oo Birr oo loogu talagalay dadka dhaawaca ah.

Dhankiisa waxaa isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka guddida joogtada ah ee golaha wakiilada ee arrimaha ganacsiga dawlada Dr. Inj. Silashi Koore, isagoo sheegay in goluhu uu sii xoojin doono taakulaynta dadka dhibaatadu ay soo gaadhay.

Gudoomiyaha Gobalka Goofaa Inj. Dhaagmaawi Ayala oo taageeradaas ka guddoomay ayaa isagoo ku hadlaya magaca dhibanayaasha uga mahadceliyey kaalmada ay soo gaarsiiyeen golaha wakiilada shacabku.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015