Munaasabad mahadnaq ah ayaa loo qabtay dhakhaatiir muddo 10 maalmooda ol'ole qaliinka indhaha oo bilaash ah ka waday Deegaanka

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 28/2016T.I.(ENA): Ol'olahan qaliinka indhaha oo ay si wadajira isaga kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka ee Dalka, Xafiiska Caafimaadka DDS iyo Hay'adda Direct Aid ee Itoobiya ayaa waxay ol'olahan qaliinka ka fuliyeen cusbitaalka darajada 1aad ee Jigjiga iyadoo ay ka faa'iidaysteen shacabka degmooyinka gobolka Faafan iyo cusbitaalka Godey.


 

Waxaana qaliinka iyo daaweynta indhaha labadan gobol ka faa'iidaystay dad ay tiradoodu ka badan tahay 1,200 oo qof.


 

Dhakhaatiirtan waday qaliinka indhaha oo loo qabtay munaasabad mahadnaqa ayaa waxaa munaasabadan kasoo qaybgalay Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Caafimaadka DDS, Mudane Maxamed Ayaanle iyo Mareeyaha cusbitaalka darajada 1aad ee Jigjiga Dr. Maxamed Muxummed.


 

Ugu dambayntii waxaa munaasabadan abaalmarin kala duwan lagu gudoonsiiyay dhakhaatiirta indhaha ee ka qeybqaadatay ol'olahan qaliinka indhaha.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015