Kulan ku saabsan jaraa'idka xisbiga Barwaaqi ayaa ka qabsoomay magaalada Fiiq

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 28/2016T.I.(ENA): Madaxa Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka DDS Mudane Xuseen Gaydh, Madaxa Xafiiska Jidadka DDS Mudane Idriis Muuse iyo Guddoomiyaha Gobolka Erer ayaa shir guddoomiyay dood ku saabsan buugga jaraa'idka Xisbiga Barwaaqo oo loo qabtay hoggaaminta dhaxe ee dagmooyinka gobolka Erer. 


 

Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen hoggaaminta dhaxe ee degmooyinka gobolka Erer ayaa si qoto dheer loogu lafo guray buugga jaraa'idka Xisbiga Barwaaqo iyagoo intii ay socotay dooddu hoggaaminta su'aalo iyo talobixino ay kusoo bandhigeen.


 

Masuuliyiinta ayaana ka jawaabayay su'aalaha iyo aragtiyaha hoggaaminta lana wadaagay talooyin iyo fikrado la xiriira fahamka habboon ee buugga jaraa'idka Xisbiga Barwaaqo iyo jihooyinka dhisida xisbi adag. 


 

Dhanka kale barnaamijka tabarucaadka bilaha xagaaga oo isugu jiray dhiig shubis iyo dhir beeris ayaa laga sameeyay madasha shirarka ee magaalada fiiq, ol'olahan dhiig uruurinta ah ayaa looga gol leeyahay in lagu xalliyo baahida dhiig yaraanta islamarkaana wax weyn ka beddali doonta xaaladda caafimaad ee bulshada ku dhaqan gobolka Erer 


 

Waxayna iyo masuuliyiinta heer deegaan iyo kuwa gobolka Erer soo kormeereen, saylada xoolaha magaalada Fiiq, adeegbixinta cusbitaalka magaalada iyo kulliyadda Xirfadaha iyo Farsamada Fiiq.


 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015