Waxaa ka xukumad ahaan naga go'an inaan si dhakhsa ah u dhamaystirno dhismaha goroonka diyaaraddaha ee degmada Doollo Caddo- Mudane Maxamed Fataax Maxamed

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 28/2016T.I.(ENA): Masuuuliyiin heer deegaan oo uu hoggaaminayo Madaxa Xafiiska Horumarinta Waraabka DDS Mudane Maxamed Fataax iyo Madaxa Xafiiska Maalgalinta iyo Warshadaha DDS Mudane Axmed Rashiid, maamulka gobolka Liibaan iyo kan degmada Doollo Caddo ayaa kormeer iyo indho’indhayn ku sameeyay habsami usocodka mashaariicaha horumarineed ee ka socda degmada Doolo Caddo.


 

Mashaariicdan ayaa kala ah dhismaha garoonka diyaaradaha ee Doollo Caddo oo ay bulshadu isku tashi shacab ku dhisayaan ,dhismaha xarunta shaybaadhka beeraha, ceelasha biyaha ee ay ka cabto magaaladu ,iyo goobaha uu wabiga fatahaadaha ku sameeyo.


 

Ugu dambayn masuuliyiinta ayaa kulan la qaatay odoyaasha iyo wax garradka gobolka Liibaan iyadoo laga dhagaystay tabashooyika ay bulshada gobolku qabaan.


 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015