Dufcadii 22aad ayaa ka qalinjabisay kuliyada xirfadaha iyo farsamada gacanta ee Jigjiga

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 28/2016T.I.(ENA): Munaasabada xafladan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Inj. Maxamed Shaalle, Kuxigeennada xafiiska xirfadaha iyo shaqo-abuurka, masuuliyiinta kuliyada iyo martisharaf kale.


 

Kuliyada ayaa waxaa ka qalinjabiyay 704 arday oo ah kuwa joogtada ah islamarkaana bartay xirfadaha dhaadheer ee heerka dhibloomada.


 

Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo oo munaasabadan ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyay ardayda munaasabada qalinjabintooda isaga oo ku booriyay xirfadaha ay barteen inay uga faa’iideeyaan naftooda iyo bulshadooda.


 

Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka DDS Marwo Hibo Axmed iyo Maareeyaha kuliyada xirfadaha Jigjiga Mudane Nasir Axmed ayaa sheegay in kuliyada lagu sameeyay isbadal balaadhan oo la xidhiidha dhanka soo saarista xirfadlayaal ka faa’iidaysta furaadaha shaqo ee ka jira suuqa.


 

Ugu dambayn waxaa madashan lagu abaalmariyay ardaydii kaalmaha u horeeyay ugalay kuliyada, waxaana la gudoonsiiyay abaalmarino qaali ah oo lagu dhiirigalinayo.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015