Masuuliyiin heer deegaan ah ayaa gaadhay magaalada Godey

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 28/2016T.I.(ENA): Madaxa Xafiiska Warfaafinta DDS, Mudane C/Qaadir Rashiid, oo fagaare kula hadlay hogaaminta degmooyinka gobolka iyo maamulka magaalada ayaa yidhi "Waxaanu u nimid gobolka Shabeelle si aan u dhaadhicino jihooyinka xisbiga, horumarka, iyo amniga. Maanta waxaanu si rasmi ah u daahfurnay howlaha tabarucaadka ee bilaha xagaaga,".


 

Madaxa Xafiiska Warfaafinta DDS Cabdiqaadir Rashiid iyo Madaxa Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska DDS, Marwo Warsan Caawil, ayaa si wadajir ah u daahfuray barnaamijka tabarucaadka bilaha xagaaga. 


 

Masuuliyiintu waxay tilmaameen in xooga la saarayo arrimaha horumarinta bulshada, sida cagaarinta magaalada, u gargaarida dadka danyarta ah, agoonta, waayeelka, taageerida ardayda, iyo nadiifinta goobaha lagu nool yahay.


 

Ugu dambayntii masuuliyiintu waxay ka qayb qaateen beerista dhirta iyo dhiig shubista, iyagoo kudeeqay 350 kun oo birr ah oo lagu caawinayo dadka danyarta ah.


 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015