Masuuliyiinta Xafiiska Ganacsiga iyi Gaadiidka DDS ayaa soo kormeeray qiimaha maciishada

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 28/2016T.I.(ENA): Masuuliyiin isugu jira heer deegaan iyo heer maamul magaalo oo uu horkacayo Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS Mudane Cabdulaahi Aadan ayaa kormeer iyo ukuurgalid ku sameeyay ganacsatada magaalada Jigjiga iyo qiimaha maceeshada ay siinayaan.


 

Ujeedada kormeerkan ayaa ahayd in loo koor galo qiiimaha ay ganacsatadu maceeshada siinayaan iyo saamayntu uu ku keenay wax ka badalka dhaqalaaha dalka lagu sameeyay suugyada magaalada Jigjiga iyo sidii ganacsatada magaalada loogu daba gali lahaa in ay maraan jaagoyynta xafiisku u sameeyay maceeshada.


 

Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS, Mudane Cabdulaahi Aadan oo lahadlay warbaahinta Deegaanka ayaa sheegay in ujeedada kormeerku uu yahay sidii loo daba gali ganacsatada iyagu qiimaha goonida iska samaystay ee jaangoyntii xafiiska aan raacin, isagoo sheegay in ganacsato badan maheradaha laga xidhay.


 

Dhanka kale qaar ka mid ah gancsatada magaalada Jigjiga ayaa sheegay in ay xafiiska la yeesheen wada tashi badan ka dibna la isku afgartay in qiimaaha uu xafiiska ganacsigu u joongooyay ay bulshada wax kaga iibiyaan iyagoo bulshadooda u tudhaya.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015