Isreeb-reebka tartanka 3,000m, Orodyahannada Lomi Multaanaa iyo Simbo Alemayehu ayaa u gudbay finalka

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 28/2016T.I.(ENA): Ciyaaraha Olombikada ee 33-aad ee orodka 3,000m ee haweenka, ayay orodyahanad Lomi Multaanaa iyo Orodyahanad Simbo Alemayheu ay u gudbeen finalka.

Orodyahannad Lomi oo ka tartamaysey kooxda 1-aad ayaa ku soo gashay finalka 9 daqiiqo iyo 10 ilbiriqsi iyo 73 mikrosecond.

Simbo oo ku jirtay kooxda 2-aad ayaa xaqiijisay in ay u soo gudubtay Final-ka iyada oo ku soo baxday kaalinta 2-aad iyada oo ku gudubtay 9 daqiiqo iyo 15 ilbiriqsi iyo 42 mikro seconds.


 

Tartankan isreeb-reebka ah oo loo qabtay saddex qeybood ayaa waxaa finalka u soo gudbay hal ilaa shan ciyaaryahan oo qeyb kasta ka mid ah.

Ciyaarta final-ka ayaa la qaban doonaa Afagaal/Hamle 30keeda 2016T.I saacadu markay tahay 4:10(10:10) galabnimo.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015