Madasha shirarka ee xafiiska maamulka gobolka Erar ayaa waxaa ka qabsoomay shirka hoggaaminta amniga ee degmooyinka gobolka Erer

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 29/2016T.I.(ENA): Shirkan oo uu shir guddoominayay Madaxa Xafiiska Nabadgalyada iyo Amniga ee gobolka Erer mudane Xuseen Cabdi ayna kasoo qaybgaleen hogaaminta amniga ee 8 dagmo ee gobolka Erer ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda guud ee nabadgelyada dagmooyinka iyo sidii loosii dardargalin lahaa sugidda amniga xudduudaha iyo xalinta khilaafadka, kahortaga kiisaska mararka qaar dhicikara iyo koox kuwada shaqaynta. 


 

Mudane Xuseen Cabdi ayaa hogaaminta usoo bandhigay nabadda iyo wanaaga ay leedahay kuna booriyay in laga shaqeeyo nabad buuxda, waxayna isla qaateen in siguud looga wada shaqeeyo nabadgalyada gobolka Erer.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015