Tartanka orodka 5000m ee haweenka ee kama dambaysta ah ee ay Itoobiya sugayso ayaa maanta la qaban doonaa

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 29/2016T.I.(ENA): Tartanka 5,000 ee mitir ee haweenka ee  ciyaaraha 33-aad ee Olombikada Paris, oo ay Itoobiya si weyn u sugayso ayaa la qaban doonaa caawa 4:15 (10:15) fiidnimo.


 

Orodyahannada Gudhaaf Tsegaaye, Ijigaayahu Taaye iyo Madiina Ciise ayaa ka tartami doona ciyaarta kama dambaysta ah ee qayb walba iyagoo matalaya Itoobiya.


 

Sidoo kale, ciyaarta kama dambaysta ah ee 800m ee haweenka ayaa la qaban doobaa 4:47(10:47) fiidnimo, waxaa ka tartami doonaa ciyaartan orodyahanad Tsige Dhugumaa iyo Warqinash Masala.


 

Intaa waxa dheer, sacadda 2:00(8:00) fiidnimo, waxa la qaban doonaa tartanka isreeb-reebka ragga ee 3,000 ee mitir.


 

Isla ciyaartan, waxaa ka qaybgalaya oo tartamaya orodyahan Lameejaa Girmaa, Geetinat Waala, iyo Saamu'eel Firew.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015