83 muwaadiniin Itoobiyaan ah ayaa kasoo laabtay Jabuuti

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 29/2016T.I.(ENA): Safaaradda Itoobiya ee Jabuuti oo kaashanaysa hay’adda socdaalka adduunka ayaa 83 muwaadiniin Itoobiyaan ah kusoo celisay dalkooda.

Xogta safaarada ayaa sidoo kale sheegeysa in howsha dib u celinta muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ay sii xoojin doonto maalmaha soo socda.

Tahriibka sharci darrada ah ee la marayo dalka Jabuuti ayaa ah mid aad khatar u ah, waxaana la tilmaamay in maalin walba dad badan ay naftooda ku waayaan.

Sidaa darteed, safaaraddu waxay cadaysay in la badbaadinayo nolosha muwaadiniinta iyadoo la kaashanaysa hay’adaha amniga.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015