Wasaaradda Nabada waxay gobalka Goofaa ugu deeqday lacag lagu qiyaasay 6.4 milyan oo birr

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 29/2016T.I.(ENA): Wasaaradda Nabadda ayaa deeq isugu jirta agab kala duwan iyo mid lacageed oo ka badan 6.4 milyan oo Birr ugu deeqday muwaadiniintii ku waxyeeloobay dhul go’ii ka dhacay gobalka Goofaa.

Waxa la sheegay in 2.2 milyan oo Birr oo ka mid ah taakulayntaasi ay tahay lacag caddaan ah, halka 4.2 milyan Birrna ay tahay agab kala duwan.

Wasiirka Nabadda ee JDFI Binaalf Andhwaalem ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay khasaaraha ka dhashay masiibadaas, deeqdan ayaana waxaa ka gudoomay madaxweynaha deegaanka Koonfurta Itoobiya Tilaahun Kabadha.


 

Xogta laga helayo xafiiska madaxweynaha dawladda deegaanka ayaa sidoo kale tilmaamaysa in wasaaraddu ay isku dubaridi doonto hay’ado kala duwan kawaasoo taakulayn doona dadkii ku waxyeeloobay musiibadaasi, isla markaana ay ku taageeri doonaan 30 milyan oo birr.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015