Golaha Baarlamaanka Maamulka Magaalada Diri Dhaba ayaa yeeshay kalafadhigoodii caadiga ahaa

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 29/2016T.I.(ENA): Waxaa furmay kalfadhigii 8-aad, sanad-shaqeedka 3-aad, ee golaha baarlamaanka ee magaalada Diri Dhaba.


 

Kalafadhigan ayuu duqa maamulka magaalada Diri Dhaba Mudane Khadiir Juhaar ku soo jeedinayaa warbixinta waxqabadkii adeegyada fulinta iyo dowladda hoose ee 2016-ka T.I.

Kulanka ayaa la soo jeediyay in lagu qiimeeyo waxqabadka wanaagsan iyo meelaha ay galdaloolooyinka ka jireen sanadkii hore, sanad maaliyadeedkana la samayn doono jiheynta shaqo.

Wararka ka imaanaya maamulka magaalada ayaa sheegaya in miisaaniyada 2017-kaT.I lagu ansixin doono kalafadhiga golaha oo socon doona maanta iyo berito, iyadoo magacaabis kala duwan la sameyn doono.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015