Gobalada deegaanka waxaa ka socda kulamo ku saabsan qorshaynta miisaaniyada

Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 29/2016T.I.(ENA): Waxaa magaalooyinka Qabridahar, Hargeelle, Doollo Caddo, Godey, iyo Dhagaxbuur lagu qabtay shirar ku saabsan qorshaynta miisaaniyadda sanadka 2017-ka T.I. 


 

Shirarkan ayay hogaaminayeen masuuliyiin heer degaan ah iyo maamulada gobalada iyo degmooyinka ayaa diiradda lagu saaray sidii miisaaniyadda loogu salayn lahaa baahiyaha bulshada, gaar ahaan adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo adeegyada kale ee lamidka ah. 


 

Ujeedka guud ayaana ah in la xaqiijiyo waxqabadka loo hayo bulshada, iyadoo la dardargelinayo adeegyada muhiimka ah iyo hirgalinta qorshayaasha sanadkan 2017-ka ee kor u qaadista dakhliga, nabadgalyada, wax soo saarka iyo adeegbixinta bulshada.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015